Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu dalxiiska u leeyahay koboca dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursado shaqo oo cusub, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in dalxiisku yahay qayb lagama maarmaan u ah horumarka dhaqaale iyo xasilloonida bulshada.
Isagoo furayay munaasabadda Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya ee sannadka 2025, oo ay Muqdisho ku qabatay Wasaaradda Warfaafinta, ayuu Wasiir Daa’uud sheegay in dalxiisku yahay muraayad ka tarjunta heerka deggenaansho, amni iyo isku filnaansho uu dal walba leeyahay, taas oo mararka qaar go’aamisa sida uu waddan u kasbado maqaamka caalamiga ah.
Wasiirka ayaa soo hadal qaaday daraasad qaran oo Wasaaradda Warfaafintu samaysay sannadkii 2023-kii, taas oo muujisay sida adeegyada dalxiisku door weyn ugu leeyihiin shaqo-abuurka, soo jiidashada maal-gashiga, xoojinta dhaqanka iyo taageeridda dedaallada nabadeynta iyo xasilinta dalka. Daraasaddan ayaa sidoo kale soo jeedisay in la furo maxad lagu barto arrimaha dalxiiska, si loo helo xirfadlayaal u tababaran adeegyada dalxiiska.
Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Soomaaliya ay qani ku tahay kheyraad dabiici ah oo badan, oo ay ka mid yihiin xeebaha ugu dhaadheer Bariga Afrika, goobaha taariikhiga ah, kheyraadka badda iyo berriga, dhaqanka hodanka ah, iyo dhallinyaro xirfado leh oo si gaar ah ugu tababaran dalxiiska. Waxa uu tilmaamay in sanadihii ugu dambeeyay dalxiiska Soomaaliya uu maqaam muuqda ka helay Geeska Afrika, taas oo muujinaysa in dalka uu leeyahay awood ballaaran oo uu ku kasban karo tartanka caalamiga ah.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa isna ka hadlay munaasabadda lagu xusayay maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay horumarinta adeegyada dalxiiska iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee la xiriira. Waxa uu carabka ku adkeeyay in dalxiisku yahay il muhiim ah oo dhaqaale, isla markaana gacan ka geysanaya kobcinta xiriirka bulshada, is-dhexgalka caalamiga ah iyo iskaashiga joogtada ah, gaar ahaan gudaha ururrada Bariga Afrika iyo IGAD.
“Dalkeenu wuxuu leeyahay kheyraad dabiici ah iyo dhaqan soo jiidasho leh. Xukuumadda DanQaran waxay dhiirrigelinaysaa maalgashiga kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, garoomada diyaaradaha, dekedaha, amniga iyo adeegyada kale ee taageera dalxiiska,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad.
Ugu dambayn, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa bogaadiyey howlwadeenada ka shaqeeya arrimaha dalxiiska, isaga oo sheegay in dadaalladooda iyo ka go’naanshahooda ay laf-dhabar u yihiin horumarinta dhaqaalaha iyo soo bandhigida muuqaalka wanaagsan ee Soomaaliya.














