Soomaalliya oo ka qeyb gashey shirka Golaha Qeybaha Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga, Bulshada Bariga Afrika.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon, Mohamoud Adan Geesood, ayaa ka qeyb galay Shirka meertada 46-aad ee Golaha Qeybaha Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga (SCTIFI), oo ka dhacay xarunta Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee magaalada Arusha, dalka Tanzania, intii u dhaxeysay 26-kii ilaa 30-kii May 2025, iyadoo lagu saleynayo qorshaha jadwal sanadeedka ee EAC.

Kulankan muhiimka ah ayaa lagu qabtay saddex heer oo kala duwan oo ah: madax sare oo heer farsamo ah, Xoghayeyaasha Joogtada ah iyo Agaasimayaasha Guud, ugu dambeyntiina heerka Wasiirrada EAC. Waxaana kulanka diiradda lagu saaray kobcinta iskaashiga gobolka dhinacyada ganacsiga, warshadaha, maaliyadda, iyo maalgashiga Bariga Afrika.

Intii uu shirku socday, Soomaaliya waxa ay soo bandhigtay xog-wareysi heer qaran ah oo lagu faahfaahiyay horumarka laga gaaray hirgelinta Roadmap-ka EAC. Waxaa si gaar ah loo muujiyay guulihii ugu waaweynaa ee laga gaaray dib u habeynta ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha ganacsiga. Ka-qaybgalkaani wuxuu calaamadeynayaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaaday dhinaca xoojinta is-dhexgalka gobolka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah EAC.

Shirka ayaa sidoo kale dhaliyay fursado cusub oo wadashaqeyn ah oo la xiriira fududeynta ganacsiga xuduudaha, dhiirrigelinta maalgashiga caalamiga ah, iyo sare u qaadidda wax-soo-saarka gudaha gobolka Bariga Afrika.