Suudaan oo Qarka u Saaran Masiibo Caafimaad.

Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ayaa ka digay in dalka Suudaan, oo ay dagaallo halis ahi halakeeyeen, uu qarka u saaran yahay masiibo caafimaad oo baaxad leh, iyadoo cudurrada dilaaga ah sida daacuunka ay si xawli ah ugu fidayaan dadweynaha dalkaas.

Muddo hal toddobaad ah oo kaliya, Wasaaradda Caafimaadka ee Suudaan ayaa diiwaangelisay 172 qof oo u dhintay cudurka daacuunka, iyadoo sheegtay in inta badan kiisaska cusub laga diiwaangeliyay magaalada Khartoum, sida lagu sheegay qoraal ay wasaaraddu soo dhigtay barteeda Facebook.

Dhakhaatiirta maxalliga ah, oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa tilmaamay in weerarrada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay sababeen koronto la’aan baahsan oo ka jirta xarumaha biyaha lagu sifeeyo. Arrintan ayaa dadka deegaanka ku qasabtay inay isticmaalaan biyo wasakhaysan, taasoo sare u sii qaaday halista cudurrada faafa.

Guddiga Badbaadinta ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la qaado tallaabooyin degdeg ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurradan iyo in la gaarsiiyo gargaar caafimaad oo degdeg ah dadka uu dagaalku saameeyay.