Siminaar uu soo abaabulay Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SWJO oo kaashanaya hey’adaha IMS-FOJO ayaa maanta waxa uu ka furmay magaalada Baydhabo, ee xarunta u ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeybgalay 25 saxafiyiin ah oo kakala socday Xarumaha warbaahinta ee Baydhabo.
Furitanka tababarka Waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Mudane Ilyaas Cali Nuur iyo madaxda qaar ee warbaahinta Baydhabo .
Siminaarkan oo socondoona muddo saddax maalin ah waxaa sigaar ah xooga loogu saarayaa sidii xeerka Saxaafada loogu soo dari lahaa qodobo difaacaya xuquuqda Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Waxaana horey loogu soo qabtay magaalooyinka Moqdisho, Kismanyo, Garoowe iyo Jowhar.
SWJO ayaa wada olole dib loogu eegayo xeerka Saxaafada dalka ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Soomaliya.
























