Xaflad Weyn oo lagu Taageerayey Malaaqa Cusub ee Beesha Garwaale ee Degta Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta lagu qabtey Magaalada Baydhabo gaar ahaan Hotel Suubis,
Xafladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, Aqoonyahano. Waxgarad . Dhalinyaro iyo Haween oo si wada jir ah uga qeyb galay Taageerada loo sameeynayey Malaaqa Cusub ee Beel-weynta Garwaale ee Malaaq Maxamed Ibrahim Cali,
Madashan Xaflada Taageerada aheyd ayaa kulmisay Dad badan oo aad ugu faraxsan Malaaqa Cusb ee Beelweynta Garwaale waxaana Dadka Goobtaasi ka hadlay Malaaqa kula dardaarmeen in Ummada Hogaanka looga dhigay uu u si hufan oo Cadaalad ah ugu Adeego,
Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dhismaha Dowlaha hoose ee Maamulka Koonfur galbeed ayaa dhawaan waxay Digreeto ku Magacwday Malaaq Maxamed Ibrahim Cali waxaana uu ka mid yahay Malaaqyada ay Aqoonsan tahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


























