Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan, ayaa si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo kobcinta ganacsatada yar yar ee magaalada Baydhabo.
Tababarkan oo muddo socon doona ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Qorshaynta, iyo Wasaaradda Haweenka ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed. Ujeeddada guud ee tababarka ayaa ah in la dhiirrigeliyo ganacsatada yaryar, lana baro xirfado cusub oo kor u qaadi kara horumarinta ganacsigooda, taasoo si toos ah u kobcin doonta dhaqaalaha gobolka.
Furitaanka tababarka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Haweenka.
Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyey wasaaradaha iyo hay’adaha soo abaabulay tababarkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulka Koonfur Galbeed uu mar walba diyaar u yahay taageeridda ganacsatada yaryar si loo abuuro fursado shaqo, loo yareeyo saboolnimada, isla markaana loo horumariyo kobaca dhaqaale ee guud ahaan gobolka.
Ganacsatada ka qeybgaleysa tababarkan ayaa la filayaa in ay ka faa’iidaystaan aqoon isweydaarsiyo, casharro iyo waayo-aragnimooyin ku saabsan maamulka ganacsiga, helidda maalgelin, iyo sidii loo ballaarin lahaa suuqyada ay wax ku iibgeyaan.
Ugu dambeyn, maamulka Koonfur Galbeed ayaa balanqaaday in uu sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga, laguna xoojinayo kaalinta haweenka iyo dhalinyarada ee kobaca dhaqaalaha gobolka.














