Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faah-faahin ka bixiyay shaqaaqadii galabta ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar.
Inta la xaqiijiyay ilaa Afar qof oo kamid ahaa Maxaabiistii ka dhex dagaalameysay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa la toogtay halka tiro kale ay dhaawacmeen, kuwaas oo dagaal la galay Ciidamada ilaalada Xabsiga Dhexe.
Maxaabiistaan oo kamid ahaa xukunsanayaasha Al-Shabaab ee Xabsiga ku xiran ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu gacanta u galay hub yaallay Xabsiga taas oo u sahashay inay dagaalamaan,waxaana sidoo kale wararka la helay ay sheegayaan in uu jiro khasaaro soo gaaray Ciidamada Asluubta ee Xabsiga ilaaliya.














