Taliska CXD qeybta 60aad oo soo bandhigay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigay Idiris Cabdullahi Macalin oo loo yaqaanay (Food Cade ), kaas oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, balse Magalada Baydhabo uu iska soo dhiibay.

Saraakiisha taliska qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in bandhigay Idiris Cabdullahi Macalin uu Al-Shabaab u qaabilsanaa ilaalinta Xabsiyada kana howlgeli jiray degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha in Idiris Cabdullahi Macalin uu mudo 7 sano ah la Shaqeeynayay dagaalmayaasha Al-Shabaab kana qeyb qaaay dagaalo farabadan oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Idiris Cabdullaahi Macalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warramay sida ay ugu suura gashey ka soo bixista Al-Shabaab iyo Isku soo dhiibista Ciidanka Dowladda, isaga oo ugu baaqay Xubnaha kale ee ka tirsan Al-Shabaab inay isaga soo tagaan.

Dhowr jeer ayaa Ciidanka dowladda & Al-Shabaab waxaa ay siyaabo kala duwan u ugu soo bandhigeen degaannada ay maamulan Xubno iyo askar uu mid walba sheeganayay in uu isku soo dhiibay.