Ujeedada laga leeyahay isbedelka hoggaanka cusub ee qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ah in lagu dardar galiyo sidii Shabaab looga xoreyn lahaa guud ahaan dalka islamarkaan lagu tayeyn lahaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed .
Taliyaha Cusub ee Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa socdaal kormeer ku tagay Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo hakaasi uu kula hadlay Cutubyo ka tirsan guutooyinka 10-aad iyo ururka 50-aad ee ciidanka Xooga dalka.
Taliyaha Guutada 10-aad ee ciidanka Xoogaa dalka General Maxamed Cali Cadoow oo warbixin kooban siiyay Taliye Bogmadow ayaa sheegay in ciidamadan ay heegan ugu jiraan la dagaalanka Shabaab.
“Ciidmadan waa guutada 10-aad iyo Ururka 50-aad ee ciidanka Xooga dalka waxay ay u taagan yihiin ilaalinta dadka iyo dalka astaantooduna waa Qaranka Soomaaliyeed daruuf walbo iyago ku shaqeynaayo ayay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-shabaab”. Ayuu yiri Gen. Caddow.
Sareeye Guuto Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa tagay furmaha ciidanka heeganka ku jiray islamarkaan xog wareysanayay xaaladaha ay ku sugan yihin iyo baahiyaha ay qabeen sidoo kale waxa uu xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ogaashaha iyo daryeelida Ciidanka qaranka, wuxuuna kula dar daarmay in ay ku shaqeeyaan Soomaalinimada.
“Waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan qabyaalada islamarakaan aad u diyaar garowdaan si feynta cadowga Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka iyo Gedo”. Ayuu yiri Bogmadow.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii loo dhisi lahaa dhamaan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay ula wareegaan marka ay ka baxaan dalka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.














