Taliyaha Booliska Dhuusamareeb oo Ka Digay Hubka Sharci-darrada ah iyo Fariin Adag u Diray Shacabka

Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb, Dhame Nuur Cilmi Maxamed, ayaa warbaahinta la hadlay isagoo faahfaahin ka bixiyay xaaladda amni ee caasimadda maamulka Galmudug, wuxuuna muujiyay dadaallada ay wadaan laamaha ammaanka si loo sugo nabadda iyo xasilloonida magaalada.

Taliyaha ayaa shacabka Dhuusamareeb ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isagoo tilmaamay in nabadgelyadu ay tahay masuuliyad wadajir ah oo u baahan iskaashi buuxa oo ka yimaada bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo dowlad-goboleedka.

Dhame Nuur Cilmi ayaa sidoo kale si gaar ah farriin ugu diray ganacsatada magaalada, isagoo ku amray in ay xarumahooda ganacsiga ku rakibaan kaamirooyin CCTV ah. Tani ayuu ku sheegay in ay muhiim u tahay la socodka dhaqdhaqaaqa magaalada, isla markaana ay fududeyn karto in si degdeg ah loo ogaado falalka amni darro iyo cidda ka dambeysa.

Mid kamid ah qodobbada ugu adag ee uu Taliyaha ku dhawaaqay ayaa ah digniin uu si toos ah ugu diray askarta ama ciidanka amniga ee hubka la dhex maraya gudaha magaalada Dhuusamareeb. Wuxuu tilmaamay in tani ay ka hor imanayso nidaamka, islamarkaana aysan u dulqaadan doonin cid kasta oo lagu arko iyadoo hub la dhex maraysa magaalada.

Go’aannada cusub ee Taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa imanaya xilli ay magaalada wajahday falal amni darro oo kor u kacay maalmihii u dambeeyay. Ciidamada ammaanka ayaa haatan kordhiyay feejignaantooda, waxaana socda howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimadda Galmudug.