Ururka 66-aad ee Guutada 14 October ayaa Howlgal Roondo ah oo lagu qaxiijinaayo amniga deegaanka Awdheegle ka sameeyey wadooyinka soo gala degmadaas.
Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14 October ayaa inoo xaqiijiyey roondada ay maanta sameeyeen in ay ku soo xaqiijiyeen, kuna soo nadiifiyeen wadooyinka soo gala deegaanadaas.
Sidoo kale Taliyaha waxa uu noo sheegay in uu Roondadaas ku soo qab qabtay Rag ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo wadooyinka soo gala deegaanadaasi gelinaayeen Qarax ay rabeen in ay ku dhibaateeyaan Ciidanka Xoogga iyo Bulashada isticmaasha Wadooyinka soo gala awdheegle.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmahaan laba jibaaray daba galka iyo ugaarsiga ay ku wadaan Argagixisada Alshabaab.














