Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka oo Garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wafdi ka socday Ciidanka Milatariga Talyaaniga

Muqdisho, 29 May 2025 – Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna ku-simaha Taliyaha CXDS, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Milatariga Dowladda Talyaaniga, Jeneraal Luciano Portolano.

Soo dhoweynta kadib, labada dhinac ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tababarrada, qalabaynta iyo kor u qaadista xirfadda ciidanka Soomaaliyeed, iyadoo ay Talyaanigu ka mid yihiin dalalka sida dhow u taageera dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wafdigan uu hoggaaminayo Jeneraal Portolano ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo kale la qaataan saraakiisha sare ee ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda, iyaga oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda Muqdisho.