Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijisay in uu sare u kacay dadka u dhintay cudurka Corona Virus.
24 kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dhintay in ka badan 681.
Tiradda guud dadka u dhintay Cudurka ayaa gaartay 15,362, oo qof.
Tirada dhimashada ee Yurub ayaa gaartay ilaa 40,000, halka Maraykanka gudaheeda tirada dhimashadu ay gaartay in kabadan 7,000, taas oo tirada dhimashada adduunka oo dhan ka dhigaysa in ka badan 58,000, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins.
Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.1 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay 226,000.














