Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa ansixiyay sharci wax ka beddelaya xeerarka lagu helo dhalashada wadankaas.
Sharciganwaxaa soo jeediyay xisbiga midigta fog ee ay hogaamiso raysal wasaaraha dalkaas, Giogia Meloni bishii Maarso.
Waxaa uu qaadashada dhalashada dalkaas ku koobayaa sharcigan dadka mid kamid ah waalidiintiisu yihiin Talyaani, kuwaas oo sidoo ku hadli kara luuqadda afka Talyaaniga islamarkaana degganaa Talyaaniga muddo saddex sano ah.














