Tirada dadka ka barakacay fatahaada Afgooye oo la shaaciyay

Mas’uuliyiinta magaalada Afgooye ayaa sheegayay in fatahaadaha ku dhuftay magaalada ay barakiciyeen ilaa 6 kun oo qof islamarkaana ay kusii fidiyaan xaafado iyo degaanno cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ku dhibaataysan degmada Afgooye iyo guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa sheegay in lix kun iyo sideed boqol oo qoys ay ku barakaceen fatahaadda gobolka Shabeellada hoose isagoo ku baaqay in loo gurmado dadkaas.

Guddoomiyaha degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim ayaa sheegay in Wabiga uu kusoo fatahayo degaano horleh oo hoostaga degmada Afgooye, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka ku nool degmada Afgooye.