TIS+ (USAID) Xubno ka socdey oo booqasho shaqo ku yimid Baydhabo

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Mudane Mahaad Mohamed Ciise ayaa xafiskisa wasaaradda arrimaha gudaha ku qaabilay wafdi ka socda hay’dda TIS+ (USAID) oo booqasho shaqo ku yimid maagalada Baydhabo wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha wasaradda ayaa u faah faahiyey howlaha ka socda wasaradda,

Wafdiga ayaa u yimid in ay kala shaqayaan wasaaradda arrimaha gudaha fulinta mashaaric farabadan oo laga hirgelin doono degmada Berdaale ee gobolka Bay iyo KGS guud ahaan.