Mareykanka ayaa casuumaad u fidiyay hogaamiyaha Suudaan, Janaraal Cabdul Fataax Al- Burhaan, waana martiqaadkii ugu horreeyay ee uu Mareykanka u fidiyo madaxweyne ka socda Suudaan muddo ka badan 30 sanno.
Janaraal Cabdul Fataax ayaa dhawaan booqan doona Washington, waxay ka wadahadli doonaa madaxweyne Trump sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Xiriirka u dhexeeya Suudaan iyo Mareykanka ayaa hagaagay tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al Bashiir.
Janaraal Cabdul Fataax ayaa xilka la wareegay tan iyo bishii Agoosto ee sannadkii tagey markii Suudaan laga hirgeliyay dowlad kumeel gaar ah.
Suudaan ayaa weli ku jirtaa liiska Mareykanka ee dalalka maalgeliyo argagaixisada balse xukuumadda Washington waxay sheegtay in dhawaan laga yaabo inay ka saarto liiskaas.
Article share tools














