War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Uganda ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ciidamo looga dilay dagaal culus oo maalmo ka hor ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Afhayeen Millatari oo u hadlay dowladda Uganda ayaa sheegay in ugu yaraan Laba askari looga dilay dagaal Talaadadii ina dhaaftay ciidamada Uganda ay Ururka Al Shabaab kula galeen magaalada Marka.
Col. Deo Akiik oo la hadlay wakaaladda wararka Shiinaha ayaa wuxuu xaqiijiyay in ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Marka ay la kulmeen weerar gaadma ah islamarkaana ay jiraan ciidamo kale oo ku dhaawacmay dagaalkii dhacay Talaadadii ina dhaaftay balse wuxuu ka gaabsaday in uu carrab dhabo magacyada askarta dhaawacantay iyo kuwa dhintay.
Ururka Al Shabaab oo dagaalkaasi uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen inay ku dileen 15 askari oo dalka Uganda u dhashay, islamarkaana ay qabsadeen sahnad ciidan.














