Uganda oo xaqiijisay khasaaro kasoo gaaray dagaal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in toddobo askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda nabad-ilaalinta lagu dilay dagaal culus oo ay kula galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Brig. Gen. Felix Kulayigye, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in askartaasi ay qeyb ka ahaayeen howlgal ballaaran oo ay ciidamada AUSSOM – oo ah magaca cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya – ka fuliyeen deegaannada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole, halkaas oo Al-Shabaab muddo ku sugnaayeen.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Uganda aysan dib uga noqon doonin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan fulinta waajibaadkooda nabad-ilaalin ee Soomaaliya, iyagoo garab siinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida.

Uganda ayaa ah dalka ugu tirada badan ee ciidamo u soo diray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay howlgalka AMISOM sanadkii 2007. Ciidamadeeda ayaa door weyn ka qaatay xoreynta magaalooyin badan iyo taageerada la siiyo ciidamada Soomaaliya ee la dagaallama argagixisada.

Dagaalkan ugu dambeeyay ee khasaaraha geystay ayaa muujinaya khatarta weli ka jirta qeybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada fogfog ee Al-Shabaab ay weli saldhigyo ku leeyihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa ku adkeysanaya baahida loo qabo in la dardar-geliyo howlgalka ka dhanka ah argagixisada si loo helo nabad waarta.