Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii si cad u shaaciyay inuu qorsheynayo in dalka Ukraine uu u diro gantaallada casriga ah ee difaaca cirka ee loo yaqaan Patriot, isaga oo sababta ku saleeyay baahida degdegga ah ee Ukraine u qabto difaac adag oo ka dhan ah weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya Ruushka. Trump ayaa si gaar ah uga dhawaajiyay khatarta uu ku arkayo hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo yiri, “Wuxuu si fiican u hadlaa, fiidkiina waxbuu duqeeyaa,” taas oo muujinaysa in dhoolatusyada diblomaasiyadeed aysan wax badan ka beddelin damaca milatari ee Moscow.
Inkastoo uusan qeexin tirada saxda ah ee gantaallada Patriot ee loo diri doono Ukraine, Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay in kharashka hubkaas dib looga bixin doono, islamarkaana Midowga Yurub uu qaadi doono culayskaas dhaqaale. Wuxuu sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada Ukraine balse aysan macquul ahayn in Washington ay kaligeed qaado dhammaan mas’uuliyadda maalgelinta dagaalka, iyadoo Yurubna ay tahay inay ka muuqato gacan qabasho dhab ah.
Qoraalka Trump ayaa daba socday dalab rasmi ah oo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy, uu horay ugu gudbiyay Mareykanka iyo xulafadiisa Galbeedka, kaas oo lagu codsaday in la xoojiyo nidaamka difaaca cirka ee Ukraine. Zelenskiy wuxuu si gaar ah u codsaday gantaallada Patriot iyo nidaamyo kale oo casri ah, si ay uga hortagaan duqeymaha joogtada ah ee gantaallada iyo drones-ka ay ciidamada Ruushku si isdaba joog ah ugu garaacayaan magaalooyinka iyo xarumaha muhiimka ah ee Ukraine.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaalka Ukraine uu galay sanadkii saddexaad, iyadoo dadaalladii diblomaasiyadeed ee Trump iyo hoggaamiyayaal kale ay u muuqdaan kuwo aan wax saameyn ah ku yeelan xasillinta xiisadda u dhexeysa Moscow iyo Kyiv. Hadalka Trump wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa isbeddelka siyaasadda amniga Mareykanka ee ku wajahan taageerada Ukraine, taas oo hadda si weyn u xiran tahay doorka Midowga Yurub iyo sida uu u arko waajibaadkiisa ka hortagga ballaarinta saameynta Ruushka ee bariga Yurub.














