Shir ballaaran oo u dhexeeya Ururrada Siyaasadeed ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socota hay’adaha kala duwan ee dowladda, oo ay ugu horreeyaan Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.
Shirka waxaa soo qabanqaabiyay guddiga isku-dubaridka gogosha Qaran, oo uu guddoomiye ka yahay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, dastuurka iyo doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ku baaqay si loo gaaro isfaham siyaasadeed oo qaran.
Madaxda kasoo qeybgashay shirka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay wada-tashiga joogtada ah ee u dhexeeya dowladda iyo ururrada siyaasadeed si loo xoojiyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda, loo dardargeliyo howlaha doorashooyinka, loona helo xal waara oo ku saabsan dhammeystirka dastuurka. Waxaa sidoo kale lagu lafa-guray caqabadaha dhanka amniga iyo sida loo heli karo qorshe mideysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada si loo abuuro jawi xasilloon oo horumar waara lagu gaari karo.
Shirkan ayaa la filayaa in uu socdo muddo dhowr maalmood ah, iyadoo lagu wado in laga soo saaro qodobo iyo heshiisyo muhiim ah oo ay dhinacyadu ku mideysan yihiin, kuwaas oo horseedi doona horumar ballaaran oo dhinac walba ah. Dowladda Federaalka ayaa caddeysay in ay ka go’an tahay in ay albaabada u furan tahay wada-hadal, iyada oo ujeedadu tahay in la helo dowlad-wanaag, hufnaan, iyo nidaam loo dhan yahay oo bulshada Soomaaliyeed ay isku aragto.














