Waa sidee xaalada Beledxaawo kadib dagaalkii shalay.

Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa weli ku jirta xaalad kacsanaan iyo cabsi dagaal kadib iska horimaad culus oo shalay dhexmaray ciidamo kala taabacsan Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Isgaarsiinta magaalada ayaa weli hawada ka maqan, iyadoo dadka deegaanka ku tiirsan yihiin adeegyada Safaricom ee Mandheera.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa ka socda magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu ka qarxo, maadaama labada dhinac ay heleen gurmad ciidan. Wararka ayaa sheegaya in magaalada Beledxaawo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland, halka Cabdirashiid Janan, oo dowladda Federaalka u magacaawday Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda gobolka Gedo, uu ku sugan yahay xero ciidan oo duleedka magaalada ku taalla.

Xiisaddan ayaa dhalatay kadib markii diyaarad ciidan lagu keenay Cabdirashiid Janan, taas oo Jubbaland ku tilmaantay tallaabo amni ahaan halis gelinaysa gobolka. Arrintan ayaa si weyn uga sii dartay khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Inkasta oo saakay xaaladda magaalada ay deggan tahay, hadana dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaal kale qarxo haddii xal degdeg ah aan la gaarin. Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeynaya inuu mas’uul ka yahay xiisadda Beledxaawo, iyadoo aysan jirin ilaa hadda dadaallo muuqda oo lagu qaboojinayo xaaladda.