Buur-Hakaba
Waxaa gebi ahaanba go’an wadada dheer ee isku xirta magaalada Baydhabo iyo caasimadda dalka ee Muqdisho, kadib markii ay burbureen laba buundo oo ku yaallay gudaha magaalada Buur Hakaba, gaar ahaan dhanka waqooyi.
Burburka buundooyinkan ayaa yimid kaddib roobab culus oo si xooggan uga da’ay degmada Buur Hakaba iyo deegaanada hoos yimaada kuwaas oo sababay fatahaado xoog leh iyo daadad qaaday qayb kamid ah buundooyinka istiraatiijiga ah ee halkaas ku yaallay.
Wadadan ayaa waxaa ay muhiim u tahay ganacsiga deegaanada gobolada Baay iyo Bakool iyo gobolo kale waxaana ay go’itaankeeda si toos ah u saameeynaysaa nolosha bulsho aad u badan, waxaana ay bedeli kartaa qiimaha maciishada.














