Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qorshaha dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimadda Muqdisho, kuwaas oo tiradoodu gaarayso 52 waddo, islamarkaana xirnaa muddo ku dhow 15 sano sababo la xiriira xaaladaha amni ee dalka ka jiray.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qorshahan cusub uu ka tarjumayo isbeddel weyn iyo horumar la taaban karo oo laga sameeyay dhinaca amniga caasimadda, taas oo horseeday in laga maarmaan noqoto xirnaanshaha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in sababaha waddooyinkan loo xiray ay ahaayeen duruufo adag oo la xiriiray dagaallada iyo khataraha amni, balse aanay marnaba xal waara u noqon karin amniga waddooyinka in la xiro, isagoo yiri: “Mushkiladda dhabta ah laguma xallin karo waddo la xiro, balse waa in lala dagaallamo argagixisada oo gebi ahaanba la iska dhiciyo, maadaama aysan ahayn bahallo jid gooyo ku istaagaya.”
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay dadaallo badan ku bixisay xaqiijinta amniga, iyada oo la hirgeliyey shuruuc adag oo ka hortagaya hubka sharci-darrada ah iyo wax kasta oo sababi kara khatar iyo amni darro.
Mudane Xamsa ayaa u mahadceliyay hay’adaha kala duwan ee amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay in sugidda amniga ay tahay mas’uuliyad guud oo u baahan in si wadajir ah looga qeyb qaato.
Daahfurkan ayaa loo arkaa talaabo muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasha dowladda ee dib loogu soo celinayo bilicda iyo isku socodka magaalada Muqdisho, taas oo muhiim u ah nolol maalmeedka shacabka iyo horumarka guud ee caasimadda.














