Wafdi gaarey Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ali Maxamed Ali dhuux iyo Wafdi ballaaran uu hogaaminaayo oo ay kamid ahaayeen la-taliyaha Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa gaaray magaalada Xudur ee caasimadda Gobolka Bakool.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen halkaasi waxaa garoonka diyaaradaha ee xudur ku soo dhoweeyay maamulka Gobalka iyo kan Degmada Xiriirka cayaaraha degmada iyo qaar kamid ah ururada dhallinyarada degmada Xudur iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Soo dhoweyn kadib maamulka Gobalka iyo kan Degmada ayaa si wadajir ah Wasiirka iyo wefdigiisa ugu soo dhoweeyay Degmada iyagoona sheegay inay ku faraxsanyihiin imaatinkiisa.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed mudane Ali Maxamed Ali dhuux ayaa ugu horeyn ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee mudada maalmaha ah uu ku joogi doono magaalada xudur ee Caasimada Gobolka

Dhanka kale wasiir Ali dhuux ayaa sheegay in maalmaha uu joogo uu booqan doono goobaha ay ka socdaan mashaariic kala duwan sida dhismaha Madaxtooyada,

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in uu agab cayaareed uu ku wareejin doono 12 koox oo kubadda cagta ah kooxaha Seria A-da ( 6 Koox) iyo Seria B-da (6 Koox) iyo kooxaha Kubadda Kolayga ( 4 Koox).

Muddada ay halkaasi joogaan wafdiga wasiirka ayaa qaban doona koob lagu dhiirigelinayo nabadda iyo isdhexgalka degmada Xudur.