Waxaa la filayaa in maanta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ay gaaraan wafdi horudhac u ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdigan oo ka kooban saraakiil amni iyo xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, ayaa u gogol xaaraya soo dhoweynta Madaxweynaha iyo kulamo heer sare ah oo lagu wado in maalmaha soo socda ka dhacaan magaalada Kismaayo.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ee lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha ku saabsan doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka.
Wararka laga helayo ilo ku dhow kulanka ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay kulankooda diiradda ku saari doonaan arrimo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe xiisad ka dhex dhalisay labada dhinac.
Sidoo kale, warar kale ayaa muujinaya in dowladda federaalka ay ka fiirsanayso dib uga laabashada qaar ka mid ah go’aamadii hore ee ay ka qaadatay Jubbaland, si loo abuuro jawi wadatashi iyo xasillooni siyaasadeed oo labada dhinac dhex mara.
Kulankan la filayo in uu qabsoomo maalmaha soo socda ayaa si weyn looga dhursugayaa, maadaama uu noqon karo fursad muhiim ah oo lagu dhiso kalsooni cusub, isla markaana uu noqdo furaha dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta wadashaqeynta dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.















