Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo Shir uga qeyb galay Kenya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hogaaminaayey oo ka mid ah howl wadeenada Wasaaradda ayaa ka qeyb galleen shir goboleedka looga hadlaayo Xalinta khilaafaadka dadban, dhaqanka iyo gaarsiinta Cadaaladda loo dhan yahay oo ka dhacay dalka Kenya caasimadiisa Nairobi.

Kulanka oo socon doonaa muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka timid Dalal ka dhaca koonfurta, bariga iyo geeska afrika,iyada oo shirkaasi la isku dhaafsanayo hadalo kala duwan.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa khudbada ka kala jeediyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Gudoomiyaha Maxkamda Sare ee Kenya, madaxa hey’adda IDLO ee geeska Afrika, madaxa hey’adda caalimiga ee ICJ, Saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka boqortooyada Netherland, hey’addo Caalami ah iyo khubaro ku xeel dheer arimaha xalinta khilaafaadka dadban, dhaqanka iyo gaarsiinta Cadaaladda loo dhan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Abuukaate Xasan Xaaji ayaa kulanka ka jeediyey kalmad ku aadan warbixin ku saabsan hormarka laga gaaray xalinta khilaafadka dadban, gaarsiinta Cadaaladda loo dhan yahay iyo cilmi baaris lagu sameeyey habka dadban ee xallinta khilaafadka dalka taas oo ka soo qeyb galayaasha u noqotay arrin ku dayasho mudan.

Sidoo kale Wuxuu ku booriyey ka soo qeyb galayaaasha howl galinta garsoor madax bannaan iyo nidaamka xalinta khilaafadka ka soo qeyb-galayaasha kulanka si bulshado ay u helaan adeeg Cadaaladdeed oo loo dhan yahay.