Wafdi ka socda dowladda UK oo maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo

Ujeedka wafdigan ka socda dowlada ingiriiska ee soo gaarey magaalada Baydhabo ayaa ahaa mid daba socdey safar hore uu safiirka ingiriiska Somalia u fadhiya uu ku yimid Baydhabo kuna saabsanaa sidii loo dhameystiri lahaa shirar horey u wada qaateen masuuliyiinta maamulka koonfur gaqlbeed soomaaliya iyo safiiradii hore ee ingiriiska.

Waxayna wafdigan shir la qaateen maanta kusimaha madaxweynaha koonfur galbeed ahna wasiirka amniga gudaha Xasan Xuseen Maxamed Eelay iyo qaar kamid ah golaha wasiirada maamulka, iyagoona ka wada hadlay arimo badan oo ku saabsan deegaanadan koonfur galbeed oo ay ugu horeyso tababarada iyo tayaynta ciidamada maamulka iyo arimaha mushaaraadkooda.

Kadib markii uu soo idlaaday shirkaasi ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay waxyaabihii shirka ka soo baxay afhayeenka maamulka koonfur galbeed Nuuradiin Gacma Dheere.

Wafdigaan ka socday dowlada ingiriiska ayaa qayb ka ahaa dhamaystirka heshiisyo ay horay uwada gaareen maamulka koonfur galbeed iyo safiirka dowladda ingiriiska u fadhiya somaliya oo ku qotomay kor uqaadida iyo tayeenta aqoonta iyo tobabarada ciidamada maamulka.