Wafdi ka socda Sweden oo soo gaaray Baydhabo iyagoona lakulmey masuuliyiinta KG”SAWIRO

Safiirka Dowladda Sweden u Joogo Dalka Soomaalia ayaa Maanta soo gaaray Magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed waxayna kulan la qaateen Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Marwo Faiza Shariif Nuur Iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Gudoomiyayaasha Haweenka Gobolada Baay iyo Bakool Iyo Gabdhaha Aqoonyahanada Koonfur Galbeed, iyaga oo kulanka ka sheegay in Haweenka Koonfur Galbeed u baahan yihiin garab istaag.

Safiirka Dowladda Sweden u Joogo Dalkeena Soomaalia Amb, Staffan Tillander ayaa ballan qaaday in uu si buuxda u garab istaagi doono Wasaaradda Haweenka iyo Guud ahaan Haweenka ku dhaqan Deegaannadan Koonfur Galbeed Soomaaliya.