Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya dowlada soomaaliya Sadik Warfa ayaa
maanta booqasho hal maalin ah ku tagey degmada Xudur ee gobolka Bokool,
Ujeeddada socdaalkiisa ayaa la xiriirtay u kuurgalida iyo qiimeyn Barnaamijka Baxnaano, wuxuuna guryahooda ugu tagay qoysaska ku nool deegaannada ku dhow magaalo madaxda gobolka Bakool , ee kala ah Osbielo, Weerow iyo TUBOY, halkaa oo ay ku nool yihiin ilaa 5,439 oo ka mid ah labo boqol iyo konton – kun oo qoys oo ku nool dalka oo dhan oo ka faa’iideysanaya lacago cadaan ah oo muddo sannad ah ay ka helayaan Barnaamijka Qaran ee caawinta Dadka Nugul (Baxnaano).
























