Wafdi ka yimid Hargeysa oo sida gurmad dhan $600,000 oo gaarey muqdisho

Wafdi ka yimid Hargeysa oo sida gurmad dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa lagu soo dhoweeyay Muqdisho ka dib markii Saakay ay kasoo ambabaxeen Hargeysa.

Deeqda ay waddaan Wafdiggaan ayaa waxaa soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada maamulka Somaliland.

Xubnaha ka socda Somaliland ayaa sheegeen in ay wadaan lacag ka badan lix boqol oo kun oo dollar (600,000$) oo ay ugu talo-galeen fatahaadihii sannadkan ku dhuftay magaalada Baladweyne.

Weftiga waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo horeyna uga mid ahaa waftigii ay Somaliland u dirtay Muqdisho wakhtigii ay abaaruhu ku dhufteen koonfurta Soomaaliya.