Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Si weyn Loogusoo dhaweeyey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Maamulka Degmada Diinsoor Iyo shacabka Degmadaasi ayaa si diiran Usoo dhaweeyey Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Kasocotey ee Gaarey Degmadaasi.
Sidoo Kale Wafdiga ayaa Waxaa Kamid ah Gudoomiyaha Gobolka Baay Ali Wadheere Abdirahman,Iyo Xubno Katirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee Kasoo Jeeda Degmadaasi.
Soo dhaweyntooda Kadib Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfut Galbeed Mohamed Nuur Madoobe Nuunow Ayaa Sheegey In Ujeedka safarka Wafdiga Uu Yahay Inay Soo Ogaadaan Xaalada Deegaanka,Sidoo Kale na Ay Kulamo Laqaadan doonaan Maamulka Degmada Diinsoor.
Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mohamed Nuur Madoobe Nuunow Ayaa Sheegey Inuu Lakulmi doono Odayaasha Dhaqanka degmadaasi,Isagoona Kala Hadli doono Arimaha Maamulka Degmada Iyo Deeganada Kale Looga Arimiyo.
Dhinaca Kale Gudoomiyaha Gobolkq Baay Ali wardheere Oo isna Kamid ah Madaxda Degmadaasi Safarka Kujooga ayaa Tilmaamey In Muhiimada Koowaad ay tahay sidii Ay Ugu Kuurgali Lahaayeen Xaalada Dadka Deegaanka Inkastoo Lagu guda Jiro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.
Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Ayaa Kamid ah Degmooyinka Ugu Horeey ee Dhawaan Lafilayo In labilaabo Maamul Usameynteeda Dhinaca Golaha Deegaanka Sida ay Horey Ushaacisey Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.














