Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdinasir Cabdi Aruush ayaa gaarey Degmada waajid ee Gobolka Bakool, iyada oo hakaasi siweyn loogu soo dhaweeyay
Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed ayaa Garoonka diyaaradaha degmada Waajid waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Waajid iyo Xubno kale.
Ujeedada wafdiga Wasiirka Gargaarka iyo maadeynta musiibooyinka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha samafalka safarka ay ku tageen degmada Waajid ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay uga jawaabi lahaayeen baahiyaha ay qabaan daska danta yar ee kunool degmada Waajid iyo degaannada hoostaga.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdinasir Cabdi Aruush ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka dehmada Waajid ee Gobolka Bakool.














