Wafdi sare oo ka socda Soomaaliya oo Tanzania safar ku gaarey.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray dalka Tanzania iyaga oo ku sugan halkaas booqasho rasmi ah oo shaqo. Wafdiga wasiirka ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaas oo dhammaantood ujeeddadoodu tahay adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ballaaran oo labada dal ay wadaagaan.

Markii ay gaareen caasimadda dhaqaalaha ee Tanzania, Dar es Salaam, wafdiga waxaa si diirran usoo dhoweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tanzania, iyadoo uu halkaas ku sugnaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi, Mudane Ilyaas Cali Xasan. Soo dhaweyntaasi oo ka tarjumaysay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal u dhexeeya, ayaa sidoo kale muujisay sida dowladda Tanzania ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqaynta ay la leedahay Soomaaliya.

Qorshaha ugu muhiimsan ee booqashada wafdiga ayaa ah xarig-jarka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Dar es Salaam, taas oo dhawaan dib-u-dhis iyo casriyeyn heer sare ah lagu sameeyay. Safaaraddan oo ka mid ah xarumaha diblomaasiyadeed ee muhiimka ah ee Soomaaliya ku leedahay gobolka Bariga Afrika, ayaa haatan laga dhigay mid u qalabaysan adeegyadii casriga ahaa, taasoo muujinaysa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u soo nooleynta iyo horumarinta matalaaddeeda dibadda.

Intaa waxaa dheer, wafdiga wasiirrada ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan munaasabadda weyn ee xuska 65 sano guurada maalinta xurriyada Qaranka Tanzania, taas oo ka mid ah maalmaha ugu qiimaha badan ee dalkaasi. Ka qaybgalka wafdiga Soomaaliyeed ee munaasabaddan ayaa ah tillaabo lagu muujinayo tixgelin iyo taageero walaaltinimo oo dowladda Soomaaliya ay u hayso Tanzania, sidoo kalena waxay fursad siinaysaa dhisidda xiriir togan oo taariikhi ah.

Inta uu socdo joogitaankooda Tanzania, wafdiga wuxuu kulamo labo geesood ah la yeelan doonaa dhiggooda dalkaasi, kuwaas oo diiradda lagu saari doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac, kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed iyo amni, iyo sidii loo fududayn lahaa isu socodka muwaadiniinta labada dal. Kulamadan ayaa la filayaa inay horseedaan is-afgaradyo iyo hindisayaal cusub oo ku aaddan horumarinta wada shaqaynta labada dawladood.