Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankiisa caadiga ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka furay, isagoo xubnaha Guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabista howlaha Golaha, kaddib fasax kooban oo la siiyay xildhibaanada maalmaha Ciidda iyo gudashada waajibaadka Xajka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku booriyay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay dardargeliyaan hawlaha horyaalla Golaha, gaar ahaan ka shaqeynta shuruucda iyo hindise-sharciyeedyada weli taalla Golaha, inta ka dhiman kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka.
Kulanka kadib, waxaa laga dhageystay xubnaha Guddiga Joogtada warbixino ku saabsan shuruucda horyaalla guddi walba, habraacyada u dhiman, iyo waqtiga la qorsheynayo in lagu horgeeyo kulamada guud ee Golaha Shacabka.
Sidoo kale, Guddiga Joogtada ayaa si qoto dheer uga dooday jadwalka ajendayaasha kulamada guud ee Golaha toddobaadka soo socda, si loo xaqiijiyo qorsheynta iyo habsami u socodka shaqada Baarlamaanka.














