War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shirar Madaxtooyada Soomaaliya Lagu Qabtay oo Ay Ka Qayb Galeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddiga Wadahadallada Federaalka iyo Xubno Mucaarad ah

War-murtiyeed rasmi ah ayaa laga soo saaray shirar muhiim ah oo dhowaan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu guddoominayey Madaxweynaha dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Shirarkaasi ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay guddiga dowladda Federaalka ee u qaabilsan wadahadallada siyaasadeed, iyo sidoo kale qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo caan ah, oo ay ka mid yihiin:

  • Mudane Mursal Sheekh Cabdiraxmaan – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

  • Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed,

  • Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya,

  • Mudane Daahir Maxamuud Geelle – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhisidda, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, iyo sugidda amniga dalka.

War-murtiyeedka laga soo saaray kulamadan ayaa xambaarsanaa qodobo dhowr ah oo muhiim ah kuwaas oo ay si wadajir ah u ansixiyeen dhinacyadii kulanka ka qaybgalay:

Qodobada War-murtiyeedka Ka Soo Baxay Kulanka:

  1. Xoojinta Midnimada iyo Madax-bannaanida Qaranka
    Waxaa lagu adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo midnimada dhuleed, siyaasadeed iyo madax-bannaanida buuxda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  2. Ka Qaybgal Wadajir ah oo Lagu Dardar-gelinayo Sugidda Amniga Qaranka
    Dhinacyadu waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in mucaarad iyo muxaafadba si wadajir ah uga qayb qaataan dadaallada dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada ee wali haysta deegaano kamid ah dalka.

  3. Habraaca Doorashada Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada
    Waxaa la isku raacay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya lagu doorto si toos ah oo ay Baarlamaanka Federaalka uga qeybqaataan, halka golayaasha wakiilada ee heer dowlad-goboleedna ay doortaan madaxda maamul goboleedyada.

  4. Awoodaha Madaxweynaha iyo Xilka Ra’iisul Wasaaraha
    Madaxweynaha JFS ayaa yeelanaya awoodda uu ku magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo magacaabistaasi la horgeynayo Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan, islamarkaana Golahaasi awood u yeelanayo in kalsoonida lagala laaban karo Ra’iisul Wasaaraha.

  5. Shuruudaha Xisbiga Qaran
    Xisbi siyaasadeed ayaa noqon kara xisbi qaran oo sharciyad buuxda leh haddii uu helo ugu yaraan 10% kuraasta xubnaha Baarlamaanka Federaalka.

  6. Ku Saleeynta Doorashooyinka Xeerka Doorashada 2024
    Dhammaan doorashooyinka dalka laga qabanayo waa in lagu saleeyaa Xeerka Doorashooyinka 2024, iyadoo la tixgelinayo qodobada cusub ee lagu daray xeerkaasi.

  7. Dardargelinta Doorashooyinka Heerarka Kala Duwan
    Waxaa lagu baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka heer deegaanka, heer dowlad-goboleed, iyo heer federaal, si loo helo hay’ado sharciyadooda dhammeystiran.

  8. Dhameystirka Dastuurka Federaalka
    Waxaa muhiimad gaar ah la siiyay in si dhaqso leh loo dhameystiro dhammaan cutubyada iyo qodobbada ka harsan Dastuurka KMG ah ee Federaalka, si loo sugo sharciyadda iyo nidaamka dowlad-dhisidda dalka.

  9. Ka Qaybgalka Dhammaan Dhinacyada Siyaasadda ee Doorashada Qof iyo Cod
    Geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah waxaa la isla gartay in si siman uga qaybgalaan dhinacyada mucaaradka iyo kuwa talada haya, si tartan furan loogu galo kuraasta golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo labada aqal ee Federaalka.

War-murtiyeedkan ayaa muujinaya is-afgarad ballaaran oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaas oo u muuqda inay diyaar u yihiin in dalka loo jihaysto doorashooyin xor ah, nidaam dimuqraadi ah iyo dowladnimo sugan.