Waxaa Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Madaxda dowlad Goboleedyada uga socday Magaalada Dhuusamareeb labadii Cisho ee la soo dhaafay,kaas oo ka kooban Shan qodob oo looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.
Shanta Madaxweyne Goboleed ayaa warmurtiyoodkooda waxaa ugu muhiimsanaa in marnaba aysan dib u dhicin doorashada dalka oo aysan madaxda dalka muddo kororsi sameyn iyo in Madaxda Dowladda Federaalka ay kasoo qeyb galaan wajiga labaad ee shirka si looga tashado arrimaha doorashooyinka dalka.
Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka ay shirkoodii kasoo saareen Dowlad Goboleedyada.
Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.
Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.
Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay
qodobada shirka maalmahaan uga socdey madaxda maamul goboleedyada dhuusmareeb waxaa warbaahinta u aqriyey yuusuf garaad cumar














