Sharciga doorashooyinka heer federaal ee uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo bilowday magaalada baydhabo kadib markii shir halkaas ka dhacay bishii Juun ee sanadkii 2018, ay madaxda qaranku ku heshiiyeen in nooca doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa ay noqoto doorasho qof iyo cod ah.
Qodobada ay ku heshiiyeen madaxda maamul goboleedada iyo madaxda qaranka waxaa ka mid ahaa:
1-Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee shirkan ka qeyb galay ayaa ku heshiiyay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 sida ku cad heshiiska habka doorasho ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun, 2018,
.
2-Goluhu wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey wadatashiyada caqabadaha ka hor imaan kara doorashooyinka, iyo daraasaadka Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha. Wuxuuna Goluhu faray in Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinku soo dhammaystiraan kala xulashada nidaamka diiwaan galinta.
Wixii wakhtigaas ka dambeeyay waxaa la diyaariyay sharciga doorashooyinka qaranka kaas oo ay ansixiyeen xukuumadda iyo labada aqal.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ayaa Xalay saxiixay.

















