Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SWJO)ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ku soo gabagabeysay Siminaar 3-maalmood socday oo looga hadlaayay sharciga cusub ee saxaafada Soomaaliyeed waxaa ka soo qeybgalay 25 wariye oo ka kala socday xarumaha warbaahinta ee Koonfur Galbeed.
SWJO waxay u mahadcelinaysaa IMS-FOJO oo taageertay aqoon-is-weydaarsiga, Intii uu socdayna ka qaybgalayaashu waxay doodo faahfaahsan ka yeesheen xeerka cusub ee saxaafadda oo dhawaan uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa ku dhamaaday iyadoo ka qaybgalayaashu ay si wanaagsan u fahmeen dhammaan qodobbada xeerka saxaafadda, waxaana sigaar ah xooga loogu saarayay sidii xeerka saxaafada loogu soo dari lahaa qodobo difaacaya xuquuqda Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Tababarkan waxaa horey loogu soo qabtay magaalooyinka Moqdisho, Kismanyo, Garoowe iyo Jowhar.






















