Wariyayaal ka howlgala KG Oo Tababar loogu furay Baydahbo’SAWIRO

Tababar Kor loogu Qaadayo Awooda Wariyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku Aadan Soo Tebinta Wararka Doorashooyinka iyo Qoondada Haweenka Ee 30%.ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Baydhabo,

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ilyaas Cali Nuur ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka Daahfurey.

Tababarkan oo Socon doono Muddo 3 Maalmood ah ayaa Waxaana soo qaban qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed Ee (SOWEJA).

Waxaana Furitaanka Tababarka ka soo qeyb galey Masuuliyiin ka socoday Hay’adda UMSOM, Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed Mudane Muxidiin Xasan Xusni, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Bay women iyo Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.