Warmurtiyeed laga sugayo Shirka Wadatashiga Qaranka

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah, waxaa si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, hannaanka doorashooyinka, iyo dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah. Waxaa la tilmaamay in doodahaasi ay ahaayeen kuwo adag oo dhinacyadu ay muujiyeen aragtiyo kala duwan.

Shirka waxaa ka maqnaa xubnaha mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland, taasoo muran siyaasadeed ka dhex dhalisay. Warmurtiyeedka laga sugayo ayaa la filayaa inuu diiradda saaro qodobo la xiriira doorashooyinka, amniga iyo dardargelinta dastuurka.