Daawo:-Wasaarada Amniga KGS oo Amar kaso saartay Amniga Doorashada

Wasaarada Amniga Gudaha KG ayaa Amar ka soo saartay in Musharaxiinta Xildhibaanada BFS aan Ciidan la tagi karin Magaalooyinka Doorashada ka dhacayso ee Baraawe iyo Baydhabo.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Mustaf Garabey.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey u mamnuucay in Musharax xil doon ah la imaan karin wax hub ah oo wax u dhimaya ama qalqal galinaya Amniga Konfur Galbed, Amniga Konfur Galbed aan laga galeynin wax gorgortan ah qofna aan laga ogolan doonin inuu hub iyo ciidan la imaado Koonfur Madaxweyne Cabdicasiis Xasan maxamed Laftagareen ayaa sidaasi sheegey 6dii August 2021.