Wasaarada Arimaha Gudaha KGS oo Kulan laqaadatey Hay,adaha Taageera howlahla arimaha Dowladaha Hoose iyo Mashaariicda Xasilinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Mohamed Abukar Cabdi iyo Agaasimaha Wasaaradaasi Mudane Musdhaf Adaf oo Mogdisho howlo shaqo ujoogay ayaa kulamo muhiim ah waxaa ay laqaateen Hay’adaha Taageera howlahla arimaha Dowladaha Hoose iyo Mashaariicda Xasilinta iyo taageeridooda.

Mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa wasaaradu waxyaabo badan oo hormar ah waxaa uga qabsoomay dhanka horumarinta Dowladaha hoose , ayaadoo caqabado badana iska jireen balse uga gudubtay dhiiranaan iyo wadatashi kuwaasi oo maanta soo gaarey heer wanaagsan.