Kulan Looga Hadlayey Caqabadaha Horyaala Ganacsatada Konfur Somalia Ayaa Lagu Qabtey Baydhabo Kulankan Oo Ay Soo Qaban Qaabisey Wasaarada Arimaha Gudaha konfur Galbed Maalgelineyseyna Hay,ada ILO Ayaa waxaa Kasoo Qayb Galay Bulshada Qaybaheeda kala Duwan Ganacsato Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Konfur Galbeed Somalia
Kulankan Oo Socon Doona Mudo Labo Maalmood ah Ayaa Lagu Gorfeyn Doonaa Caqabadaha Ganacsi ee ka jira deeganadan Gaar Ahaan Wadada Xiriirisa Baydhabo iyo Xamar Oo
ganacsatada dhib badan ku qabto iyo wadashaqeyn guud oo dhex marta Dowlada Konfur galbed iyo Ganacsatada
Wasiirka Arimaha Gudaha Dib Uheshisiinta iyo Dowladaha Hoose Ee Maamulka Konfur Galbeed Somalia Mudane Maxamed Noor Madoobe Oo Madasha Kulanka Furey Kana Hadlay Ayaa Sheegey In Ay Muhiim Tahay In Ganacsatada iyo Maamulka Ay Wada shaqeeyaan Si Wax loogu qabto guuud ahaan deegaanada konfur galbed somaliya sidoo kalena Laga Hoos Baxo Deeqaha iyo Gacmaha shisheeye oo wax laga sugo
Kulankan Ayaa Lasoo Gabagabeyn Doonaa Maalinta Beri Iyadoo qodobada laisku raacana war Murtiyeed laga Soo Saari Doono














