Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Ayaa Maanta Baydhabo ka furtey tababaro kor looga qaadaayo Xirfadaha Shaqaalaha Caafimaadka
Tababaradan Maanta Wasaaradda Caafimaadka Ay ka furtey Magaalada Baydhabo Ayaa ahaa kuwo laga soo qeyb galliyey Dhakhaatiir Caafimaad oo laga kala keeney qaar kamid ah Gobolada Dalka
Mid kamid ah tababarada oo socon doono mudo 5 Maalin ah ayaa waxa lagu baran doonaa sida looga jawaabo xaaladaha Deg Dega ah iyadoona ay ka qeyb galayaan Dhakhaatiir Caafimaad oo ka kala socoda Hir Shabeele iyo Koonfur Galbeed.
Halka Tababarka kalena Loofurey Shaqaale Caafimaad oo ka socdey Degmooyinka Bay iyo bakool. Waxaana uu socon doona Mudo labo maalin ah Waxaana lagu baran doonaa Qaabka loo sameyo Cilmi baaris la xariirta Saameynta Cudurka Covid_19 uu ku yeeshey Bulshada Koonfur Galbeed.
Aadan Abdiraxmaan Axmed oo ah Madaxa Qorsheynta iyo Siyaasada Wasaaradda Caafimaadka ayaa faafahinaya tababaradan waxaa lagu baran doono
Wasaaradda Caafimaadka koonfur Galbeed ayaa wada Dadaalo ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa Adeegyada Caafimaadka si bulshada loo gaarsiyo Adeeg hufan



























