Wasaarada Caddaalada KGS oo Howlgelisey Xarunteeda Degmada Waajid.Sawiro

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka KGS Mudane Maxamed Xuseen Xasan oo howlo shaqo u jooga degmada Waajid ee Gobolka Bakool waxa uu maanta kormeerey oo uu ku guuleystey in xaruntii maxkamada degmada waajid oo muda 3 sano ah fariisin ku meel gaar u aheyd ciidanka NISA dib u howl geliyo

Wasiir Maxamed Xuseen ayaa sheegey in maanta usuurto gashey in ay lasoo wareegto Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka KGS Maxkamadii degmada oo mudo lagu shaqeyn laguna wereejiyo Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Waajid Sheikh Hassan.

Wasaarada waxa ay uga mahadcelineysa dhamaan wasiiradii ka qeyb qaatey dib usoo celinta xaruntii Maxkamada Degmada si loogu shaqeeyo bulshada si gaar ah Wasiirka Amniga mudane Isak Ali Subag iyo Masuuliyiintii kale ee ka qeyb qaadatey dib u howl gelinteeda.