Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada KGS oo kulan la qaadatay G/kuxigeenada Samafalka iyo Arrimaha Bulshada G/Baay iyo D/Baydhabo SAWIRO.

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda KGS oo kullan la qaadatay Guddoomiye kuxigeenada Samafalka iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Baay iyo Degmada Baydhabo.

Kullankan oo uu shir Guddoominayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Suufi Aadan ayaa waxaa kasoo qayb-galay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Baay ee dhanka Samafalka mudane Aadan Xasan Maxamed iyo Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada magaalada Baydhabo mudane Cabduqaadir Cali Xasan.

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray ka warqabka, kordhinta iyo daadajinta adeegyada iyo barnaamijyada khuseeya arrimaha bulshada ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya maadaama Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay tahay hay’adda Dowladeed ee Masuulka ka ah Arimahaas.

Guddoomiye kuxigeennada ayaa soo dhaweeyay kullankan ay ku casuumtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda KGS sidoo kalena bogaadiyay.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd fududeynta iyo xoojinta barnaamijyada Arrimaha Bulshada ayaa noqon doona kullan bille ah, oo ay isugu imaan doonaan saaxiibada doorka ku leh Barnaamij-yada Arrimaha Bulshada ee ka howl-gala deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.