Wasaarada Tamarta Iyo Biyaha DGKS Oo Kormeertey Ceelbiyoodyo(Sawiro)

Wasaarada Tamarta Iyo Biyaha DGKS Oo Mudooyinkan Danbe Ku Howlanayd Hergalinta
Ceelal Biyoodyada Riiga ah Kuwaasi oo la Gaarsinaayo Bulshada Haysata Baahiyada
Biyo-yarid Ayaa Maanta Xaafada Barwaaqo ka Hergalisay Ceelbiyood Riig ah kaasi oo lagu Talagalay inay ka Faaidaystaan Barakacaaysha ,Beeralayda ,Xoola Dhaqatada iyo Bulshada Inteeda Kale

Madaxa Guud ee Farsamada Wasaarada Tamarta iyo Biyaha DGKS Mudane Hassan Moha’ed Amin iyo Lataliyaha Wasaarada Faysal Abdulaahi Iyo Agaasimaha Waaxda Biyaha Liban Ahmed Abdulaahi Ayaa Kormeer Iyo Qaabka Soosaarista Biyaha -Bump testing Ku sameeyay Taasi oo lagu Hubinaayo in lagu Guulaystay Qodistiisa .