Kulanka dib u eegista Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta ku soo idlaaday magaalada Baidoa. Kulanka oo socday muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka soo baxay qodoba dhowr ah oo muhiimad gaar ah uleh horumarunta Waxbarashada, Waxaana ka mid ah,
1. In la xoojiyo Wadashaqaynta bahda Waxbarashada lana mideeyo dadaalada lagu horumarinaayo Waxbarashada dhamaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya;
2. In la dejiyo habraacyada lagu maamulayo imtixaanaadka Shahaadiga ee ay dowladdu qaado,
3. In la maalgeliyo Waxbarashada, dadka deegaanka iyo dowladuba ay maalgeliyaan waxbarashada, toosinteedana laiska kaashado dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waalidiinta, macaliminta iyo maamulayaasha dugsiyada,
3. In la horumariyo Shuruucda Waxbarashada si sare loogu qaado tayada Waxbarashada dhamaan deegaanada KGS;
4. Wasaaradda waxa ay qaadatay dhamaan talooyinka iyo su’aalaha ay soo jeediyeen ka soo qayb galayaasha inta kulanka uu socday si loogu biiriyo toosinta waxbarashada iyo in la soo saaro bulsho aqoonteedu sarayso;
Ugu dambayn, Waxaan dhamaan maamulayaasha dugsiyada, jaamacadaha, Waalidiinta iyo ardayda lagu booriyay inay garab istaag umuujiyaan Walaalahooda sida dulmiga ku dhisan looga soo barakiciyay deegaanada Waqooyi ee Soomaaliya, gaar ahaan Laascaanood, ayna siiyaan ubadkooda Waxbarasho lacag la’aan ah, Wasaaradana waxa ay balan qaaday inay u iibiso agabka Waxbarashada sida Uniform, Buugaagta etc.























