Wasaarada Waxbarashada KG Oo bilowdey Olole Wacyi gelin ah-SAWIRO

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare KGS waxa ay si rami ah Ugu daahfurtey magaalada Baydhabo todobaadka wacyigelinta muhiimadda iyo u sinaanta waxbarashada caruurta,
Kulankan maanta ayaa waxa ka soo qeyb-galey:
1. Koox Wasaaradda Waxbarashada KGS ka tirsan
2. Qaar ka mid ah maamuleyaasha 28 Dugsi
3. Guddiyada waxbarashada 28 Dugsi

Kulan ka Waxa looga hadley:
a) Muhiimada wacyigelinta bulshada
b) Muhiimada waxbasharada caruurta ee loo siman yahay gabdho iyo wiilal.
c) Dhiirrigelinta waxbarashada gabdhaha
d) ka hortagga iyo yareynta ardeyda waxbarashada ka tagta( Dropout)
e) Doorka bulshada ay ku yeelan Karto horumarinta waxbarashada deegaanada KGS iyo wada shaqeynta qeybaha ay khuseyso.